Warar hordhac ah oo hadda ONA soo gaadhaya ayaa sheegaya in Xabsi Wayn oo magaciisa la yidhaahdo Bahita oo kuyaala magaalada Gonder ee Kililka Axmaarada dab laqabadsiiyay. Warku wuxuu intaas kudarayaa ineey maxaabiis badani ku dhimatay kuwo kalena ay ku dhaawacmeen dabkan ka kacay Jeelka.

Warku waxaa kaloo intaas kudaray ineey xabsigan  ka buuxeen dhalinyaro badan oo todobaadyadii ugu dambaysay laga qabqabtay magaalada Gonder & nawaaxigeeda. Dhalinyarada ayaa lagu soo eedeeyay ineey jabhada Ginbot 7 Arbanyooj gacan saar la leeyihiin ama taageeraan.

Shacabka magaalada Gonder ku dhaqan ayaa waxay sheegeen  ineey ciidanka Woyanuhu si ula kac ah ay dabka u qabadsiiyeen xabsigan taasooncadayn u ah ineey kacdoomada aan kala joogsiga lahayn ee shacabka Itoobiya meel kasta uu kawado ay doonayaan ineey ku cabsi galiyaan si shacabku u joojiyo kacdoomadan ka dhanka ah taliska Woyaanaha ee wakhtigiisu dhamaaday.

Kala soco ONA wararka  ka soo kordha dabkan qabsaday Jeelka Bahita.

Gonder jail

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay