Waxaan daba soconay nidaamka dacaayadda ay Itobiya u adeegsatay shacabka gudaha, kuwa dibadda iyo jabhadda ONLF. Waxay ahayd in aan maanta yarehe ifino barnaamijkii qurba-joogta loogu talagalay oo inta badan lawada ogyahay hadda kobtuu ku dambeeyay iyo siduu ku bilowday, taasoo ka dhigaysa hadal jeceyl un in hadda arintaa lasii faadh-faadho. Dhowr qodob oo muhiim ah umbaan isdul taagi doonaa oo mudan in la yarehe ifiyo. Aanse ku horeyno xaalad aad moodo inay muujinayso tabardaridda dawladdii dhexe ee Itobiya.

habariisaystoDad badan ayaa la yaabay filimka ay iska duubeen Cabdi Iley iyo gacan-yarayaashiisa iyagoo ugu hambalyaynaya midkood inuu iska bariisaysto iska cambuulaysto. Dadkii daawaday filimkaa uu Cabdi Iley uu iska duubay, ninba si ayuu u fasirtay, dhamaan isugu biyashubanaya inuu Cabdi Iley dhambaal ujeeda badan ah uu dirayay. Laakiin dadka xog-ogaalka u ah arimaha Cabdi Iley waxay kuu sheegayaan inuu ugu talagalay filimkaa inuu ugu muujiyo kooxihii kasoo horjeeday oo Adis Ababa magangalyo ku jooga, inay dhamaatay cayaartii oo ninkan ay ugu deeqayaan inuu iska bariisaysto oo cambuulaysto, waa Maxamad Rashiide uu kasoo wareegay dhankooda kana mid noqday kooxda Cabdi iley. Maxaa ka dhab ahaa arintaa? Aad ayaa looga hadal ahayaa Jigjiga ilaa Adis Ababa, dhambaalka cambuulaysiga ee Cabdi iley uu soo diray (Halkan Riix). Waxay dadka qaarkii, gaar ahaan kuwa yaqaana hab-dhaqankiisa ay ku odhanayaan; Cabdi iley markuu dareemo inuu liito ayuu arimaha noocan ah sameeyaa si qofwalba uga shakiyo kaadhka uu haysto, oo qofwalba uu dib isugu mashquulo. Filimkan dhambaalka uu doonayay Cabdi iley inlaga fahmo, marka laga yimaado inuu sheego afhayeenka Maxamad Rashiid inuu safkiisa ku soo biiray, wuxuu ahaa inuu yidhaahdo qofkii dhankayga yimaada wuu iska cambuulaysan, qofkii igasoo horjeedsadana waxaan xaraashayaa guryihiisa, siduu u xaraashay Villa-duu lahaa Cabdulaahi Itobiya.

ileyIntaa waxaa dheer oo dad badan ay aaminsan yihiin inuu dhambaalkan wax ka dirayo jananka Cabdi iley uu magaciisa ku xukumo Ogadenya, waa Abraha Wolde, oo qudhiisa doonaya inuu gaadhsiiyo siyaasiyiinta Somalida Ogadenya ee kasoo horjeeda dhiigmiiradkiisa (exploitation) inuusan jirin qof ka qaadi kara jagada uu haysto, Wasiir difaac ama R/wasaare.

Itobiya waxaa gacanta ku haya oo laga furfuri la’yahay dhowr janan oo kala haysta qaybaha maamulka ciidanka iyo fadhiisimada waaweyn ee Kililada ay ka kooban tahay Itobiya. Jananadaa waxay 15kii sanee ugu dambeeyay, gaar ahaan intuu dhintay Meles Zenawi, dhisteen nidaam dawladeed oo ka madax-banaan hasa ahaatee ku dhex jira dawladda federaalka Itobiya (States within State). Waxay gacanta ku hayaan miisaaniyadda Kilialadaa iyo waliba canshuurta xad-dhaafka ah ee laga qaado dadka shacabka ah. waxay Itobiya dib ugu soo celiyeen nidaamkii dhul-goosadka (Feudalism) oo Jenenka ciidanka haysta iyo xafiiska Boqorka ay wadaagi jireen maalka uu gacanta ku dhigo. Nidaamkii sidaa ahaa ayay Wayaanaha TPLF dib ugu soo celiyeen Itobiya, gaar ahaan kililada ay gumaystaan.

Waxay dad badan filayeen in doorashada ka dib Jenanadaa la dhaafin doono meelaha ay gacanta ku dhigeen oo talaabada ugu horeysa ay qaadayaan ay noqoto midaa, gaar ahaan hadduu ku guulaysto R/Wasaarenimada Xaylemariam Desaleen iyo kooxdiisa. Dadweynaha caadiga ah ee Itobiya, gaar ahaan shucuubta ku nool Kililada la gumaysto, oo Ogadenya ay horgalka u tahay ayaa aad ugu farxey markii lagu dhawaaqay in Xaylemariam Desaleen loo dartay mar labaad jagadii R/wasaarinimada. Waxaadna moodaa inay hadda ka qanceen inuu isbadal ka dhaco Itobiya, iyadoy arkeen awoodda uu leeyahay R/wasaaraha in aanay dhaafsiisnayn xafiiskiisa Adis Ababa.

Inkastoo R/wasaaraha oo kaashanaya aqlibayad uu ku leeyahay EPRDF uu holiyey dhowr jeer inuu wax ka qabto nimankan Jananada ah oo dhiigmiirasho dhab ah ku haya shucuubta saboolka ah, waxaad moodaa inay arintii ku balaadhatay oo kooxdan Jananada ah ay awood ku leeyihiin Kililada iyo waliba xisbiga gacanta ku haya rukunada laga xukumo dawladda ee talada Itobiya ay ka go’do. Waxay dhafoorka kaga hayaan dawladda dhexe inuu dalka ka dhacayo fawda iyo xasilooni darri haddii laga qaado jagada. Waxay Jenenada uu Abraha Welde ugu horeeya adeegsadaan Horjoogayaasha Kililada markay doonayaan inay bixiyaan digniinta xasilooni darada ah ee ka dhici doonta Itobiya hadii jagada laga qaado. Waxaadna moodaa ilaa hadda inay u hirgashay dheesha.

Artinta kale ee kusoo korodhay saaxada siyaasadeed ee Itobiya waa isbahaysiga lagaga dhawaaqay magaalada Oslo taasoo Jenenada dalka haysta iyo Horjoogayaasha u jooga Kililada ay uga faa’idaysteen inuu dalka khatar horleh soo foodsaartay oo aan la dhayalsan karin isbahaysi ay ku jiraan 70% dadweynaha Itobiya. Waxay u noqotay kaar ay la hortagaan dawladda dhexe oy kaga dalbadaan inay joojiyaan faragalinta lagu hayo say wax uga qabtaan arinta isbahaysiga. Maxay noqon doontaa. La soco.

Noora Afgaab/Jigjiga

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay