Taliyaha Booliiska ee magaalada Chicago Garry F. McCarthy ayaa xilka iskaga degay kadib eedeynta sii xoogaysanaysa iyo xiisadii ka dhalatay dilkii wiil madow ooy booliiska Chicago si xun u dileen sanadkii 2014.

Xiisadan ka dhalatay wiil lagu magacaabo Laquan McDonald, oo ahaa 17 sano jir ayaa timid kadib markii la shaaciyey filim muujinaya qaabkii loo dilay wiilkaasi ooy booliiska ku dhufteen 16 xabadood. Askariga dilkaasi gaystay ayaa todobaadkan maxkamada lasoo taagay, balse shalay ayaa askarigaasi damiin lagu siidaayey taasi oo sare usii qaaday cadhada shacabka Chicago.

Duqa magaalada Chicago Rahm Emanuel ayaa sheegay inuu aqbalay iscasilaada Taliyaha Booliiska, isla markaana uu magacaabay Guddi baadhitaan ku sameeya falalka ay gaystaan askarta booliiska, balse weli ma muuqato in maamulka Chicago uu dib usoo celiyay kalsoonidii uu shacabka ku lahaa.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay