Maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada Rwanda (ICTR) ayaa qabatay xaflado rasmi ahaan loogu maamuusayo xidhitaanka howl galladeeda kaddib in ka badan 20-sano.

Maxkamadda oo ku taallay magaalada kutaala waqooyiga Tanzania ee Caruusha ayaa loo sameeyay in lagu maxkamadeeyo dadka la tuhmayo ee muhiimka ah ee ka dambeeyay xasuuqii ka dhacay dalka Rwanda sanadkii 1994-tii. Xafladahan salka ku haya xidhitaanka maxkamadaasi ayaa soconaya muddo saddex cisho ah.

Waxaa ka qayb qaadanaya xafladan dad badan oo ka tirsan shaqaalaha hadda iyo kuwii hore ee kasoo shaqeeyay Maxkamadan, garsoorayaal iyo marqaati sharaf kale kuwaasoo isugu soo baxay magaalada waqooyiga Tanzania ee Caruusha.

Waxyaabaha ka dhacayay dabaaldeggaasi oo socday ilaa iyo Isniinta shalay waxaa ka mid ahaa furitaanka beer nabadda oo lagu xasuusanayo dadkii ku dhintay xilligii xasuuqa.

Saraakiil sar-sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay, dowladaha Rwanda iyo Tanzania ayaa sidoo kale kasoo qayb galay, oo uu ka mid yahay la taliyaha gaarka ah ee xoghyaha guud ee Qaramada Midoobay ee ka hortagga xasuuqa, Adama Dieng.

Labaatan sano oo maxkamaddaasi ay dhisnayd, waxay isticmaashay 2 billion oo doollar, waxaana maxmadda ay qabatay 93-kiis, waxaana xabsi ay ku xukuntay 62-qof. Waxay u ahayd safar dheer maxkamadda, oo badanaa la tacaalaysay shaqsiyaadka sar-saree ee lagu eedeeyay ineey qorsheeyeen xasuuqan. Dhibaatooyinka inta badan ka hor imaanayay maxkamada waxay ahaayeen helidda markhaatiyayaal doonaya in ay marag furaan.

Walow guulaha ay gaadhay ay dad badani ammaaneen, kuwaasoo sheegay ineey adkaan laheyd in la helo dadkii dhibataadaasi gaystay si loo ciqaabo, haddana dadka sida wayn u dhaliila waxaa ka mid ah madaxweynaha Rwanda Paul Kagame, oo ku doodaya inay ahayd in maxamaddu ay intaa ka badan qabato, marka la eego waqtiga lasiiyay iyo lacagta lagu maalgaliyay.

Kiis ay ku lug leeyihiin 6-qof ayaa weli la sugayaa, waxaana garsoorayaasha laga filayaa inay xukumaan toddobaadka soo socda. Si kastaba ha ahaatee 8-qof oo la tuhmayay oo dembi lagu waayay ayaa weli raadinaya dal magangelya siiya, kuwaasoo kiiskooda aan weli la xallinin.

Jabhada Woyaanaha oo 24-kii sanee lasoo dhaafay dambiyo dagaal oon kala joogsi lahayn kawaday Ogadenya ayaan ilaahay kabaryeeynaa ineey maalin aan fogayn cadaalada la hor keeni doono taasoo ka bilaabatay wadamada qaarkood sida Sweden, South Africa & Hague . Saraakiisha Woyaanaha ee ku naaxay dhiiga Shacabka Somalida Ogadenya ayaan falalkaas ay gaysteen ku badbaadi doonin Inshaa Allah.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay