War goor dhawayd soo gaadhay ONA ayaa sheegaya in wareegto ay soo saareen taliska guud ee ciidanka Woyaanaha iyagoo amar kubixiyay in ciidanka Federal Police loo yaqaano ay heegan ka galaan magaalada Addis Ababa & deegaanada ku hareeraysay.

Wareegtadan ayaa kusoo beegantay iyadoo amaanka magaalada Addis Ababa aad looga dayrinayo. Taliska Woyaanaha oo shirar & kulamo isdaba joog ah kujiray maalmihii lasoo dhaafay ayaa aad uga walaacsan xaalada amaan darrida ah ee guud ahaan wadanku kusugan yahay.

Isbihaysiga maqaar saarka ah ee EPRDF oo tuhun & kala shaki wayn uu soo kala dhexgalay oo is aamini la’ ayaa dhexdood isku eedaynaya ineey qaar iyaga kamid ah xaaladan amaan darrida ah ee maalimba maalinta kadambaysa gacanta kasii baxaysa kamuul yihiin.

Wararka ayaa intaas kudaraya ineey ciidamadan lasoo dhoobay magaalada Addis Ababa si gaar ah u ilaalin doonaan xarumaha dawlada, sal dhigyada ciidamada & goobaha ganacsiga waa wayn ee magaalada hal-bawlaha u ah taasoo aad looga cabsi qabo ineey kacdoonka wadan hadheeyay soo gaadho magaalada.

Waxaa xusid mudan in meelo badan oo Itoobiya kamid ah ay kacdoomo dhaliyay dagaalo cul culus oo dhaawac & dhimashaba keenay ay kasocdaan, kuwaasoo ay ugu dambeeyeen kacdoonka ay ardayda Oromiya ee Jaamacada Addis Ababa wadaan.

 

ONA

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay