Ugu yaraan 14 qof ayaa ku dhintay 17 kalena way ku dhaawacmeen weerar ka dhacay goob ay ka socotay xaflad magaalada San Bernardino ee gobalka California ee cariga Maraykanka. Weerarkan ayaa la sheegay ineey gaysteen labo qof, nin iyo haweenay saaxiibo ah oo lagu kala magacaabo Sacid Faruuq iyo Tashfeen Malik.

Sacid Faruuq ayaa la sheegay inuu ku sugnaa goobta ay ka dhacaysay Xaflada shirkada uu ka shaqeeyo. Waxaana la sheegay in goobtaasi uu muran ku dhexmaray qaar kamid ah dadka ay wada shaqeeyaan, kadibna uu halkaasi isaga baxay wuxuuna goobta kusoo noqday isagoo hubaysan isla markaana la socoto saaxiibadiis oo iyaduna hubaysnayd.

Saciid iyo Tashfeen ayaa la sheegay ineey wateen labo qori iyo laba bistooladood waxay toogasho ku dileen qaar kamid ah dadkii xafladaasi ku sugnaa. Labadan qof ayaa lagu dilay iska horimaad dhexmaray iyaga iyo ciidamada Booliiska.

Illaa iyo hada macada sababta ka danbaysa weerarkan, balse Booliiska ayaa sheegay ineey wadaan baadhitaan iyagoo meesha ka saaray in weerarkan uu wax xidhiidh ah la leeyahay argagaxisada. Waxayna sheegeen in Saciid Faaruuq uu ku dhashay dalka Maraykanka.

Hase yeeshee saxaafada Maraykanka ayaa qaarkood mala’awaalaya in weerarkan uu la xadhiidho dhanka diinta Islaamka, maadaama labada qof ee gaystay ay ahaayeen muslimiin.

Balse arrintan ayaa waxaa ka hadlay Hussam Ayloush oo u hadlay hay’ada CAIR (Council on Amrican-Islamic relations) oo kadigay in weerarkan loo adeegsado in lagu tilmaamo mid la xadhiidha Muslimiinta Maraykanka, isagoo sheegay ineey dhici karto inuu salka kuhayo xiisad ka dhex dhalatay dadkaasi wada shaqaynayey.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay