Ku: Safiirka Dhiigyacab Meles Zinawi UK
Ogg: La-taliyaha safiirka dhiigyacabka arimaha Ogadenya UK

Uj: Banaanbaxii Brussless

Jaaliyadaha Shacabka Ogadenya ee dalalka Yurub waxay maalinimadii bishu ahayd 19ka ku soo banaanbaxeen albaabka laga galo Barlamaanka Midowga Yurub iyagoo ka cabanaya dhibaatada ay ku hayaan shacabkooda ku nool Ogadenya ciidanka gumaysiga Itobiya ee naxariis laawa ah iyo maleesiyada akhlaaq-darada lagu soo xulay.

Waxaa hubaal ah in ninka loo soo diray inuu kaala taliyo arimaha jaaliyadaha Ogadenya ee lagu magacaabo Cabdirashiid Duulane ku siiyay xog ah inuu waraaqo -Pititions- ah ka soo saxiixayo dad saaxiibadii ah si loo horgeeyo Agaasimaha BBC-da oo loo tuso inay beenabuur ahayd barnaanmijkii Newsnight lagu soo qaatay ee ka waramayay kufsashada baahsan ee lagu hayo gabdhaha la dhashay Cabdirashiid Duulane.

Idinkoo mahadsan, warbixinta aad u direysaan dhiigyacab Meles Zinawi waxaad u raacisaan sawiradan uu midkiiba la qiimiga yahay 1000ka erey, suu u fahmo taariikhda inaysan duugoobi doonin.

ONA.

 
 

4 Comments

  1. asad says:

    marka hore waan idin salamay dhamaan bahda ogadennet
    fariinta aan u dirayo dabadhoonka safiirka wayaanaha ee UK abdirashid dulane waxa ay tahay.
    waxba kuu tarimayso in aad xaqirto gabdhaha kula dhashay o wayaanuhu si araxan daro ah u la dhaqmay oo lagu xadgudbay karaamadii ay lahaayeen in aad tidhaahdo waa been abuur waxa ay soo duubtay BBC newsnight taas waxa wax laga waydiin wariyaha sooo duubay ee adi waxba lagaa waydiin mahayo waxa aan kula talin lahaa cabdirashhid in aad ka toobad keento dambiyada aad ka gashay dadkaaga umalayn mahayo nin iga kaa xiga in uu jiro marka laga reebo reer duulane waxa aan ahay shaqsiga ama qaraabada soo raaca reer duulane waxa aana qirahayaa in aad tahay dambiile dambiyo waawayn ka galay umada reer ogadenya waxa aan kugula talin lahaa kolay taariikh inta hada lagaa qoray xumaan kuugu filan isdaba qaba hadii kale waxa la gaadhi doonaa xili aad maxkamada aduunka ka soo hor muuqandoonto hadii aad cabdirashidow wax fahmayso intaasi kugu filan taariikhdana baal madoow ayaad kaga jirtaa guul iyo gobnimo

    • abdiasis says:

      s.c.w qofkii dambi ka gala dalkiisa taariikhda ayaa xusaysa gumaysiguna joogi maayo mustaqbalka waa ogaadeenia . waaa suaal xaguu aadi markuu gumaysigu baxo hadda wa lagu danaysanayaye ? intay goori goortahay ka fiirsada wakhtigu kuma sugaayo ogadeniyana way xoroobaysaaa insha allah muddo yar jaanis ma heleysid adiga iyo inta kula midka ah hadduu wakhtigu idinku dhaco la idinma cafinaayo haddaydaan hadda ka faaiidaysanin oo aydaan u tobad keenin alle umaddana dhibkaad u gaysateen aydaaan cafis waydiisannin

  2. wiil dulman says:

    asc waxaan aad ula yaabanahay qofkasta oo aduunka kunool isagoo og in uu dhimanayo hadana qofka ubadheedhaya wax cadaab si cad loogu galayo waxaa kaloo layaab leh dabeecada dadka muslimka ah lagu yaqaan ayaaa waxay tahay inaaan marnaba loo dhaafin dumarka iyo gabdhahooda oon hortiisa lagu samayn wixii larabo lkn waxaan arkayay c/rashiid haween hooyadii ookale ah waaba hooyadii maadaamooy tahay hoya ree ogadenia ah tikrayna kufsaday duudsiyaya magaran karo sababta hadii aduunyo aad badan lasiiyo intay wadaysaa dhibaatada uugaysanayo reer ogadeniyase intee inleg ayay dabasoconaysaa

  3. halagame says:

    waxaa uu ilaahay quraankiisa ku yidhi (WATACIYAHAA IDUNUN WAACIYAHA)oo macnaheedo yahay dhagahii ilaahay waaniyo ayaa waansan waxaad moodaa qofkuu ilahay towbada ka halaynayo inaan xal lahay crashiid duulane ilaahay meel uugayn isagaa og lakiin dariiqii xumaa ayuu sii dhabaynayaa.dulinimaduna ma ah mid ku cusub ee waa mid uu waligii ku soo jiraya ee calaacalka badan nin raga waa looga fiicanyahay ee sidaad u aarsanlahaydeen isku daya landon buu taxtaxaashayaa ma waxaad isga waydeen nin candhuuf ku tufa ama dharbaaxa war aarsada ragbaa ilaah inaga dhigeee byyyyyyyyy halgameeeeee

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay