Ciidanka Amaanka ee Maraykanka wuxuu sheegayaa inay hadda weerarkii arbacadii lagu qaaday California uu ahaa mid “argagixiso”. 14 qof ayaa ku dhimatay weerarkaasi oo kadhacay magaalada San Bernardino, kaasoo ay fuliyeen lamaane lagu kala magacaabo Sayid Faaruuq iyo Tashfeen Malik.

Afhayeen u hadlay FBI-da oo lagu magacaabo, David Bowdich, wuxuu sheegay inay baadhitaan ku sameeyeen warar sheegayay in haweeneyda weerarka ka qeybgashay ay wacad iyo ballanqaad u fidisay hogaamiyaha kooxda Daacish oo ay Facebook ku qortay.

Mr. Bowdich wuxuu sheegay in telefoono laga helay meelaha qashinka lagu daadiyo ee xarunta la weeraray. Wuxuu sheegay in lamaanahan ay isku dayeen inay baabi’iyaan farriimaha ku jiray telefoonka, laakiin baaritaan lagu sameeyay si loo ogaado waxa ku dhiiragaliyay tallaabadan ayaa wali socda.

Agaasimaha guud ee FBI-da, James Comey ayaa sheegay inaysan haynin cadeyn muujineysa in lamaanaha weerarka ka dambeeyay ay xidhiidh la lahaayeen koox Xagjir ah. Qareenada u doodaya qoyska lamaaha weerarka lagu eedeeyay waxay sheegayaan inaysan haynin ama aysan jirin cadayn ah in ay ka mid ahaayeen koox mintidiin ah.

Qareenada oo kala ah, David Chesley iyo Mohamed Abuurashid, waxay shir saxaafadeed ka sheegeen in marna aan looga shakin in Sayid Faaruuq iyo xaaskiisa Tashfeen Malik ay weerar noocan ah geysan karaan.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay