Wariyaha Wakaalada Wararka Ogadenya ee ONA uga soo warama arimaha Itoobiya ayaa sheegay in Madaxii Maxkamada Guud ee Itoobiya Wubishet Shiferaw uu iska casilay xilkii uu hayay.

Iscasilaada Wubishet Shiferaw ayuu ku sheegay ineey ku kaliftay kadib markii uu u adkaysan waayay cadaalad darrida & ixtiraam la,aanta dastuurka qaranka ay kooxda Woyaanaha ay ku hayaan. Gudomiyaha Maxkamada Guud ayaa cadeeyay in dastuurka wadanka u dajisan aan la ixtiraamin taasoo keentay in xuquuqda shacabka sidii larabo laga yeelo.

Wubishet oo kamid ah kuwa ugu sareeya hay’adaha garsoorka ee wadanka ayaa shaaca ka qaaday in gabi ahaanba ay Woyanuhu ku tunteen nidaamkii & dastuurkii wadanka u dajisnaa taasoo uu u adkaysan waayay inuu indhaha ka dhawro ama uu qayb kanoqdo dhibaatada joogtada ah ee shucuubta Itoobiya ku hoos dulman ay kujiraan.

Dhaqan xumida & fawdada ay Woyaanuhu dalka ku soo maamulayeen 24-kii sanee lasoo dhaafay ayaa maalinba maalinta kadambaysa waxaa banaanka usoo baxaya eedaymaha & falal dambiyeedka ay gaysanayaan taas oo keentay in ay kacdomo shacbi ah ka bilaabmaan dhamaan gobolada Itobiya oo dhan.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay