Itobiya waxyaabaha ay sida aadka ugu dadaashay 20kii sanee la soo dhaafay waxay ahayd inay kala qoqobto umadda Somaliyeed iyadoo adeegsanaysa maamulo ay dhoodhoobtay iyo qaar budhcad ah oo calooshood la ciyaar ah.

Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadenya iyadoo ogsoon qorshaha Itobiya ee ah qaybi oo xukun ayay aad ugu dadashay in aanay ku milmin siyaasadda qabiilka iyo danaysiga gaarka ah ku dhisan ee Itobiya ay sida aadka ah uga faa’idaysatay.

Adkaysigii iyo xikamadii JWXO waxay abuurtay inay Somali qofkastoo waxgarad ahaa inuu dib isugu noqdo, akhriyo sooyaalka taariikhda ka dibna fahmo damaca Itobiya ee ah in la waayo qaranimo dambe oo Somali leedahay. Filimkan wuxuu qayb ka yahay doodaha ka dhex socda Somaliweyn ee lagu taageerayo halganka shacabka Somalida Ogadenya.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay