Kooxda Boko Xaram ee mayalka adag ayaa weerar ku qaaday jasiirada Kouloukoua oo kutaala Harada u dhaxeysa dalalka Chad, Nigeria, Niger iyo Cameroon, waxaana ku dhintay 30 qof.

Weerarkan ayey sidoo kale ku dhaawacmeen dad ka badan 80 qof, waxaana la sheegay in loo adeegsaday sadex bambaano ooy isku qarxiyeen dad ismiidaamiyay kuwaasoo bartilmaameed ka dhigtay suuqa ku yaala jasiiradaasi oo ka tirsan dalka Chad.

Kooxda Boko Xaram ayaa weerarkan kusoo beegtay maalmo kadib markii isbaheysiga ciidamada dalalka Cameroon, Chad iyo Benin ay dileen 100 ka tirsan maleeshiyada Boko Xaram soona furtay 900 oo la-heystayaal ah oo ku sugnaa xeryo ku yaal Waqooyiga Cameroon ooy kooxdaasi saldhig ka dhigatay.

Ciidamada dalka Chad ayaa kaalin wayn ka qaatay la dagaalanka Boko Xaram ee wadamada ay jaarka yihiin ee Nigeria iyo Cameroon, kooxdaasi ayaa iyaduna bilowday bilihii lasoo dhaafay inay weeraradooda ku baahiso deegaamada u dhaw xuduuda u dhaxaysa dalalkaas jaarka ah.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay