Warar ONA soo gaadhay ayaa sheegaya fal tooriyayn ah oo ka dhacday goob tareemada laga raaco oo ku taala magaalada London ayaa booliska Ingiriisku ay baadhitaan kuwadaan.

Qof ku hubaysan mindi ayay boolisku xidheen kadib dhacdadaasi oo qofna uu si xun ugu dhaawacmay laba kalena ay dhaawacyo fudud ka soo gaadheen.

Waxay boolisku tilmaameen in si isdaba joog ah loogu soo warammay in qofka weerarka qaaday uu si badheedh ah dadka u handadayay. Goobjoogeyaal saxaafada lahadlay ayaa sheegay inuu arkeen nin mindi haysta oo meel dhawr talaabo u jirta taagan, oo dul taagan qof dhulka yaala iyo dadka oo ka kala cararaya goob tareemada laga raaco oo layidhaahdo Leytonston.

Taliyaha hogaaminaya ciidamada argagixiso la dagaallanka Richard Walton, waxa uu sheegay “in arrintan ay ula dhaqmayaan sida dhacdo argagixiso”, wuxuuna dadka London kunool u sheegay inay feejignaadaan ooyna isdejiyaan, lana socdaan hareerahooda xaalada ka taagan. Waxa uu intaasi k daray in weerar argagixiso ay aad suuragal u tahay inuu ka dhoco London.

Waxaa barta bulshada ku kulanto ee internetka lagu baahiyay muuqaal muujinaya qofka wax weeraraya oo mindi ku hubaysan iyo iyadoo boolis ay ku hareeraysan yihiin.

Waxaa kala go’ay qadadkii tareemada isku xidhayay badhtamaha magaalada London tani iyo inteey boolisku kala wareegayeen goobtii weerarkani uu ka dhacay.

 

ONA

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay