Bayaan kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq Xaydar Al-Cabbaadi ayaa lagu sheegay in taangiyada dagaalka iyo hubka lidka diyaaradaha ah ee dalka Turkigu ay soo galeen gudaha Waqooyiga dalka Ciraaq kuwaasoo aan wax oggolaansho ka haysan xukuumadda magaalada Baqdaad.

Saraakiisha Turkiga ayaa sheegay in ciidankoodu uu ku sugan yahay gobolka Musil, kuwaasoo halkaasi kawado tababarro, gudahana u soo galay 30 KM deegaannada uu gacanta ku hayo ururka ISIS (Daacish).

Saraakiisha Turkiga ayaa sidoo kale sheegay in Maraykanka iyo isbahaysiga uu hoggaamiyo horay ugu sheegeen in ciidankoodu horay u sii joogay deegaanka ku xeeran xadka ay wadaagaan dalka Ciraaq oo ciidankan cusub kuwaas lagu xoojinayo.

 

ONA

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay