Maanta ooy taariikhdu ku beegnayd 6/11/2015 Waxaa xerada Qoxootiga Xagardheere ee deegaanka Faafi ku qabsoomay shirwaynihii Faraca Iftin ee kahowl gala xerada Xagardheere. Shirkan oo ah mid 12 kii biloodba mar laqabto ayaa lagu doortaa maamul cusub waxana lagu sagotiyaa  mamulkii sanadkii tagay xilka soohayay ee caynaanku u hayay howlaha Halganka ee faracu mas’uulka kayahay.

Shirkan oo ahaa mid siwayn looga soo shaqeeyay kana sooqayb galeen dadwayne aad u farabadan ayaa furmay 10:00 subaxnimo xiliga Bariga Africa waxaana lagu furay aayado kamid ah Qur’aanka kariimka ah furitankii kadib waxa lagu soo dhaweyay halgame Cabdiraxmaan Farax Barkhadle oo soo jeediyay warbixin aad u dheer oo dal iyo dibadba ah sida dagaaladii ugu dambeeyay ee kadhaca gudaha Ogadenia iyo tacadiyadii ay ciidanka Wayaanuhu ugaysteen shacabka S.ogadenia ee
biri-magaydada ah iyo waliba wixii war lagahelay dibada.

Sidoo kale waxaa warbixin dheer oo ku saabsan waxqabadkii sanadkii tagay ee guud ahaan faraca Iftin u qabsoomay soo jeediyay Xoghayihii hore ee faraca Iftin mudane Cabdulaahi Maxamad wuxuuna halgame cabdulaahi kala dhigdhigay waxay qabteen iyo waxay tiigsanayeenba
isagoo carab baabay in ay uqabsoontay howlo badan oo aan tiro lahayn.

Intaas kadib waxaa lagudagalay muhiimadii shirka oo ahaa in lagu doorto maamul cusub waxaana si habsami ah loobilaabay doorashadii iyadoo ay gudiga farsamadu booskasta u soo sharaxayeen 2 xubnood oo kamid ah xubnaha faraca Iftin waxayna bulshadu gudoomiye udooratay
Halgame Cabdulaahi Badal Cumar sidoo kale waxaa isla goobta lagu doortay gudigii lashaqayn lahaa gudoonka.

Guntii iyo gunaanadkii waxaa khudbado dhiiri galin iyo dardaaran ah soojeediyay qaar kamid ah odayaasha faraca sida gudoomiyaha gudiga Qoxootiga ee Xeryaha Mudane Daahir Maxamad iyo xubno kale.

ONA Xagardheere.

IMG-20151206-WA0009

IMG-20151206-WA0010

IMG-20151206-WA0005

IMG-20151206-WA0007

IMG-20151206-WA0006

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay