Waxaa hubka qaatay oo duurka galay Gudoomiyihii Xisbiga Blue Party ee gobolka Goojaam ee Kililka Axmaarada Indag Adana. Wararka nasoo gaadhay ayaa sheegaya in uu masuulkan baxsaday hubkana qaatay oo kubiiray Jabhada hubaysan ee ladagaalanta Taliska Gumaysiga Itooniya ee layidhaahdo Gimbot7 Arbanyoj.

Wararku waxay intaas raacinayaan inuu Indag Adana duurka u galay kadib markii uu u adkaysan waayay cadaadiska & cabudhinta aan kala joogsiga lahayn ee kooxda Woyaanuhu kuhayaan shacabka Itoobiya een waxba galabsanin.

Waxaa kaloo loo malaynayaa ineey ku kaliftay talaabadan uu masuulkan ka tirsan Xisbiga Blue Party uu ku talaabsaday ineey salka ku hayso kadib markii la gumaaday qaar kamid ah asxaabtiisa kuwaasoo uu kamid ahaa Gudoomiyihii hore ee Xisbiga Blue Party Samuel Awoke oo toogasho lagu dilay bishii June ee sanadkan aan kujiro taasoo saamayn wayn ku yeelatay Indag Adana iyo xubno kale oo kamid ah xisbiga.

Indag Adana waraysi uu saxaafada siiyay ayuu ugu baaqay dhalinyarada & indheergaradka deegaankaas ku dhaqan ineey hubka qaataan ooy iska celiyaan wuxuu kutilaamay yeeyda shacabka sida sharci darida ah u xasuuqaysa taasoo uu ula jeedo taliska TPLF. Waxaana hadalladiisii kamid ahaa * Halgan nabadgaliyo yaa Itoobiya kajira kara waa midaan suurtagal ahayn* ayuu yidhi Indag Adana.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay