Warar xasaasi ah oo ONA ay heshay ayaa sheegaya inuu kasocdo magaalada Adama (Nazret) ee Kililka Oromiya shir albaabadu u xidhanyihiin oo u dhexeeya ururka OPDO & EPRDF/TPLF.

Shirkan oo aad looga qariyay saxaafada ayaa arimo xasaasi ah oo aad u qalafsan lagu falan qaynayaa sida la sheegayo. Ilo-wareedyada ONA warkan soo gaadhsiiyay ayaa sheegaya ineey kamid yihiin arimiha miiska saaran mad madoowga & khilaafaadka soo kala dhexgalay kooxaha kuwada jira isbahaysiga gacan kusamayska ah ee EPRDF oo shaki aad u wayni usoo kala dhexgalay intii mudo ahba.

Waxaa kaloo warku intaas kudarayaa ineey kamid tahay arimaha ay labadan dhinac ee sida qarsoodiga ah uu shirku uga socdo magaalada Adama xaaladaha murugsan ee dhaliyay kacdoonka & mudaaharaadyadan aan kala joogsiga lahayn ee kasocda Gobolka Oromiya sidii xal loogu heli lahaa taasoo ay kooxda TPLF aad ugu dhaliishay kooxda OPDO ineeysan talaabadii ku haboonayd ka qaadin shacab taasoo ay doonayaan Woyaanuhu in shacabka la gumaado sidii caadiga ahayd iyadoo ay kooxda TPLF aney ku qanacsanayn qaabkii looga hawlgali lahaa arintaas.

Sidoo kale waxyaabaha laf dhabarta u ah shakigan u dhexeeya labadan dhinac ee Adama shirku uga socdo ayaa waxaa kamid ah siro badan oo la fashiliyay kuwaasoo aysan kooxda TPLF raali ka ahayn iyagoo eeda dusha uga tuuray kooxda OPDO ineey sirahaas fashiliyeen shacabkana hoosta ka abaabulayaan.

Waxaa kaloo shirkan in lagu wada gorfaynayo loo badinayaa in qorshe hor leh oo lagu cabudhin karo shacabka Oromiya ee gadoodsan lagu dajiyo. TPLF oo sideey doonaan kayeela isbahaysigan magac u yaalka ah ee EPRDF ayaa doonaysa in gacan bir ah shacabka lagu qabto oo lasoo afjaro kacdoonka kasocda Oromiya & meelo kaloo badan oo Itoobiya kamid ah.

 

ONA

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay