Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay wakiilka dowladda Mareykanka ee arrimaha Soomaaliya, David H. Kaeuper.

Madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa danjiraha uga warbixiyay horumarka laga sameeyay dhinacyada Amniga, Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada. Danjire Kaeuper, ayaa isna dhinaciisa soo dhoweeyay dadaalka dib u heshiisiinta iyo wadatashiyada dhinaca siyaasadda ee dalka kasocda ee ku qotoma doorashada 2016.

War kasoo bxay xafiiska Madaxwaynaha ayaa lagu sheegay in Xasan Shiikh iyo Danjiraha isku afgarteen in Somaliya laga taageero dhamaystirka barnaamijyada siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha, si waddanka uu u sameeyo dib u soo kabasho buuxda.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay