Kaddib, weerarkii Paris iyo California ka kala dhacay ee dhimashada badan sababay ayaa keenay in madaxda Maraykanka ay soo jeediyaan laba hab oo dadka u ogolaanaya inay ku galaan dalka Maraykanka.

Hababkan mid ka mid ah ayaa ah is-beddel lagu sameeyo dal-ku-galka ‘Visa’ loo yaqaan K-1 oo ah midkii ay dalka Mareykanka kusoo gashay Tashfeen Malik oo weerarkii magaalada San Bernardino ee California ku lug lahayd. Fiisaha noocan ah ayaa waxaa sannad kasta ku gala Mareykanka 25,000 oo qof oo diyaar u ah guurka muwaadiniinta Maraykanka ah.

Sidoo kale, habka labaad ayaa ah barnaamijka dadka ka imaanaya 38-waddan oo caalamka ku yaalla u ogolaanaya inay fiiso la’aan soo galaan Mareykanka ee loo yaqaan Visa Wiaver Program, taasoo ay ku joogi karaan Mareykanka muddo 90-maalmood ah.

“Waa inaan baadhitaanno dheeraad ah ku sameynaa fiisayaasha ay wataan dadka soo galaya Maraykanka een laga doonayn inay fiiso sii dalbadaan, sidaa awgeed waxaanu fiiro qoto-dheer leh ku sameyn doonaa inay dadkaasi u safreen dalal ay dagaallo ka socdaan iyo in kale,” ayuu yiri madaxwayne Maraykanka Obama oo khudbad xalay u jeedinayay shacabka Mareyanka.

Obama ayaa hoosta ka xariiqay in xubno kamid ah Aqalka Congress-ka Maraykanka ay kala shaqaynayaan in arrintan la hirgeliyo, si looga fogaado in waddanka Mareyanka ay soo galaan dadka ku lug leh falalka argagaxisnimo ah ee calaamka ka dhacaya.

Ugu dambeyn, Sannadkii 2013-kii ayaa waxaa dalka Mareykanka fiiso la’aan ku galay dad tiradooda lagu sheegay 21.2-milyan oo qof, ka ahaa 39% guud ahaan dadka Mareykanka u yimaada dalxiiska iyo ganacsiga.

Tallaabadan ayuu madaxweynaha Mareykanka Barakac Obama ku sheegay inay tahay mid ay ku xoojinayaan ammaanka shacabka Mareykanka, iyadoo tani ay saamayn xooggan ku yeelan doonto muwaadiniin badan oo ka yimaada dalalka ku yaalla Galbeedka caalamka oo Qaaradda Yurub u badan.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay