Nin hubaysan ayaa shalay gudaha degmada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud ku toogtay taliyihii booliska gobalka ee dawladda Soomaaliya Faarax Warsame Cilmi.

Wararka ayaa sheegaya in ninka dilka taliyaha gaystay asna uu dhintay, kadib markii ay toogteen ciidamada ilaalada u ahaa taliyaha. Illaa iyo hadda lama garanayo sababta uu ninkan u dilay taliyaha iyo cidda uu ka tirsanaa intaba.

Maamulka degmada Cabudwaaq ee Galmudug ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan dilka taliye Faarax Warsame Cilmi.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay