Xisbiga xagjirka ah ee layidhaahdo Front National ee dalka Faransiiska ayaa guuldarro wayn ka raacday wejigii labaad ee doorashooyinka gobolada dalka Faransiiska,  ee dhacdey maalintii Axadda ahay, kadib markii ay guulaysteen wareegii hore ee doorashooyinkan.

Xisbiga National Front ee ay hoggaamiso gabadha la yidhaahdo Marie Le Pen ayaan ku guulaysanin hal gobolna wareega labaad ee doorashada, todobaadkii hore ayaa Xisbigaani noqday kan ugu wayn Faransiiska markii uu ku guuleystay 13 gobol oo kamid ah guud ahaan wadanka.

Wareega labaad dadka ka qayb-qaatey ayaa ka badnaa wareegii hore waxaana la sheegayaa in dadka codkooda dhiibtey ay ahaayeen 58%, halka wareegii hore ay codkooda dhiibteen 50%.

Hoggaamiyaha Front National Marine Le Pen ayaa looga guulaystay gobolka Nord-Pas-de-Calais-Picardie waxaana ay heshay 42,3% marka loo barbardhigo ninka ka guuleystey Xavier Bertrand ee ka socdey Xisbiga Jamhuuriga ah oo helay 57,7%.

Xisbiga xagjirka ah ee Front National ayaa doorashada kugalay ineey wax ka qabanayaan muhaajiriinta iyo muslimiinta kusii badanaya dalka Faransiiska, waxaana la aaminsan yahay in ay taageero ka heleen weerardii ka dhacay Faransiiska ooy sheegteen ururka Daacish.

Xisbiga Hantiwadaaga ee Socialists ee uu hoggaamiyo Madaxweynaha Faransiiska Hollande ayaa ku guuleystey 5 kamid ah goboladii loo tartamayey, halka lixda kale uu ku guuleystey Xisbiga Jamhuuriga ee uu hoggaamiyo Zarkozy.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay