Madaxwaynaha Maraykanka, Barack Obama ayaa sheegay in ciidammada Maraykanku ay xoojiyeen duqaymaha ka dhanka ah ururka dagaal yahanka mayalka adag ee ka dagaalama wadamada Ciraaq iyo Suuriya ee layidhaahdo ISIS (Daacish).

Obama oo shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Gaashaandhigga Maraykanka ee loo yaqaano Pentagon ayaa sheegay in ciidammada dalkiisu ay dileen qaar ka tirsanaa hoggaamiyeyaasha ururka ISI islamarkaana ay burburiyeen qaybo ka tirsan ilihiisa dhaqaale.

Wuxuu kaloo sheegay inkastoo ay isbahaysiga uu Maraykanku horkacayo ururka ISIS ka riixeen dhul ay haysteen oo ku yaalla Ciraaq iyo Suuriya, in haddana dagaalku yahay mid adag, loona baahanyahay in si degdeg ah looga guulaysto ururka ISIS.

Barack Obama ayaa waxaa kaloo uu sheegay in madaxda Gaashaandhigga iyo Arrimaha Dibadda ee Maraykanku ay Ruushka iyo Bariga-Dhexe kala arrinsan doonaan sidii loo midaynlahaa, taageerana loogu heli lahaa dagaalka ka dhanka ah ururka ISIS.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay