Boqortooyada Sucuudiga ayaa shaacisay dhismaha Isbahaysiga wadamada Islaamka ah ee la dagaalamaya Argagaxisada. Isbahaysigan ooy ku jiraan 34 wadan ayaa waxaa kamid ah dalka Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhiga Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa shaaciyay dhismaha isbahaysigan ooy ku jiraan qaar kamid ah dalalka Islaamka ee Qaarada Afrika, Bariga-Dhexe iyo Aasiya. Waxaa kamid ah Isbahaysiga Dalalka Awooda militari leh sida Pakistan, Turkiga iyo Masar, balse waxaa laga reebay in lagu soo daro dalalka Iran, Ciraaq, Syria iyo Afghanistan.

Maxamed Bin Salmaan ayaa sheegay in xooga ay saari doonaan isbahaysigan la dagaalanka kooxaha Argagaxisada gaar ahaan kooxda ISIS ama Daacish, wuxuuna sheegay in dalalka ay hada mid waliba kaligiis si gaar ah u wado la dagaalanka Argagaxisada balse ay cududooda midayn doonaan. Sidoo kale wuxuu sheegay in xarunta Isbahaysiga laga dhisi doono magaalada Riyadh ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Wadamada xubnaha ka ah Isbahaysigan cusub ayaa kala ah: Saudi Arabia, Bahrain, Bangaladesh, Benin, Chad, Comoros, Cote d’Ivoire, Djibouti, Egypt, Gabon, Guinea, Jordan, Kuwait, Lebanon, Libya, Malaysia, Maldives, Mali, Morocco, Mauritania, Niger, Nigeria, Pakistan, Palestine, Qatar, Senegal, Sierra Leone, Somalia, Sudan, Togo, Tunisia, Turkey, United Arab Emirates iyo Yemen.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay