Wadanka Turkiga ayaa digniin culus kasoo saaray rasaas la sheegay in Maraakiibta dagaalka ee Ruushka kurideen Markab laga leeyahay dalka Turkiga oo marayay badda Aegean, Axadii lasoo dhaafay.

Turkiga ayaa falkan ku tilmaamay mid aan loo dulqaadan doonin waxayna u yeedheen Wakiilka Safaarada Ruushka ee Turkiga u qaabilsan Arrimaha Militariga.

“Maaha Wax loo dulqaadan karo falkan uu Markabka dagaalka ee Ruushka rasaasta digniinta ah ku riday Doon kaluumaysi ah oo laga leeyahay Turkiga, waanu doonaynaa in la hagaajiyo xidhiirka u dhaxeeya labada dal, balse Turkiga wuu kasii dhamaanayaa dulqaadkii….” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibada ee Turkiga Mevlut Cavusoglu.

Xiisada ka dhextaagan labada dal ayaa sii xoogaystay tan iyo intii uu Turkiga soo riday mid kamid ah diyaaradaha dagaalka ee Ruushka oo kusoo xad gudubtay hawada Turkiga. Ruushka ayaa dhankiisa cuna qabatayn kusoo rogay Turkiga.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay