Warar hordhac ah oon ku helnay barqiyad uu noo soo diray wariye ka mid ah kuwa goobta ayuu noogu sheegay inuu dagaal adag ka dhacay aaga Araarso goobta lagu magaaco beerta ilmo Cumar. Warkan oon faafaahintiisa gadaal aan ka soo qori doono ayaa ka xogwaramaya in si weyn cadawga loogu jabiyay dagaalkaa iyadoo goobta looga dilay askar gaadhaysa toban lagana furtay saanad iyo hub kala duwan oo badan.

Dhanka kale waxaa ka curtay gobolada badankood roobab lagu qabowsaday. Gobolada uu ka da’ay roobka waxaa ka mid ah Nogob, Qoraxay, Jarar Jigjiga, Shabeele iyo meelo kale.

Wararku waxay intaa ku darayaan in shacabka uu aad u naawilayo deyr kheyr leh oo borwaaqo inay u da’do. Ilaahay waxaan uga baryaynaa khayraadkiisa.

ONA.

 
 

2 Comments

  1. abdiasis says:

    s.c.w
    waa maanshaa allaah mar haddii uu u curtay roobkii dadkii dhibaataysnaa ee ceelashii laga fadhiistay ka cabbilahaayeen . waxaa dadkii qaybsaday abaartii iyo cadowgii ooo markii roob la waayay oo ay biyihii isugu soo hadheen ceelashii kaddibna uu cadowgu u fadhistay ceelashii . waa gargar alle waana ku xamdinaynaa malaayiin jeer alaah . guusha iyo gacanta sareba muslimiinta ayaa leh ummadda muslimka ah ee reer ogadeniya ayaa leh wayna ka guulaysan ilaah idamkii

  2. Maxamud says:

    Alaha guuleeyo cidanka cwxo

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay