Dalka Turkiga ayaa qorshaynaya ineey saldhig Miltari ka samaystaan dalka  Qatar ee gacanka Khaliijka Carabta. Qorshahan ayaa lagu sheegay inuu yahay kahortaga cadowga labada dal ay wada leeyihiin, iyo ilaalinta danahooda u gaarka ah, siduu sheegay safiirka Turkiga ee dalka Qatar Ahmet Demirok.

Saldhigan Miltari ayaa qayb ka ah heshiis labada dal dhexmaray sanadkii 2014. Saldhiga dalka Qatar ay ka samaynayaan Turkigu waxaa lagayn doonaa ciidamo gaaraya 3000 oo askari.

Labada dal ee Turkiga iyo Qatar oo dhaqaalahoodu wanaagsanyahay ayaa lahaa xidhiir dhaw, waxaana ay siwayn u wada tageereen Madaxweynihii la doortay ee dalka Masar  Maxamed Mursi kaasoo dil ku xukuman hadda, sidoo kale labada dal waxay ka mideysan yihiin siyaasadda dalka Suuriya.

Waxaa xusid mudan in Dalka Qatar uu horey Saldhig miltari aad u wayn adeegyo kala duwana biya ugu lahaa dalka Maraykanka. Waxaa Jooga saldhigan oo lagu magacaabo Al-Cideed askar aad u tiro badan.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay