Warbixin ay soo saartay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabnilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR ayaa lagu sheegay in sanadkan dhamaadka ah ee 2015 uu noqday sanadkii ugu darnaa ee qaxootiga, kaasoo gaadhay meel aan horay loo gaadhin.

UNHCR ayaa sheegtay isku dar dadka qaxootiga noqday ee ka baxsaday guryahoodi ineey sanadkan gaareen 60 milyan oo qof. UNHCR ayaa sheegaysa in maalinkasta 4,600 oo qof dad gaaraya lagu khasbo ineey ka baxsadaan guryahoodii iyagoo la cararaya naftooda,  UNHCR ayaa isticmaashay qiyaas iyo isku cel-celin dadka magangalyo doonka ah.

Dagaallada ka aloosan dalka Suuriya ee bilowday sanadkii 2011, ayaa ah halka ugu daran ee sababtay qaxootiga, waxaa la diiwaan geliyay bilowgii sanadkan ilaa  dhamaadkii bishii June 2015, 4.2 milyan oo qof oo Suuriyaan ah ayaa lagu khasbay ineey guryahoodii ka baxsadaan.

Meelaha kale ee UNCHR soo qaaday waxaa kamid ah dalalka Ukraine, Yemen, Kongo-Kinshasa iyo dalal kaloo badan.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay