Dalka Spain ayaa wajahaya siyaasad aan daganayn kaddib markii labo kacdoon oo cusub ay ku guulaysteen saddex meeloodaw meel kamid ah doorashadii dalkaasi ka dhacday.

Xisbiga dhaqaale tashiilashada ka soo hor jeeda ee Podemos, iyo xisbiga Liberal-ka ah ee Ciudadanos ayaa codad badan helay halka xisbiga Popular Party, uu waayay aqlabiyaddii. Madaxa xisbiga Podemos, oo lagu magacaabo Pablo Iglesias, ayaa sheegay in ay aad u faraxsanyihiin Spain-na aysan sidii hore sii ahaan doonin.

Xisbiga PP iyo hantiwadaaga ayaa isku badbadalayay talada dalkaasi sanado badan. Xisbiyadu waa in ay ka wada hadlaan sidii ay u dhisi lahaayeen dawlad wadaag ah. Xaqiiqaduse waxay tahay in xisbiga PP ay ku adkaan doonto in uu helo is bahaysi ay dawlad wada dhisaan.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay