September,24-2011 ,Hawl-wadeenada iyo masuuliyiinta jaaliyadda S/Ogadenia ee magaalada Toronto iyo nawaaxigeeda ayaa isugu yimid shir balaadhan oo lagu gorfeeyay habsami u socodka hawlaha jaaliyadda iyo taageerada halganka hubaysan ee jwxo hogaaminayso. shirkan oo lagu soo bandhiga astaamaha iyo hidaha iyo dhaqanka S/Ogadenia ayaa lagu daah-furay heeska calanka ee S/Ogadenia oo ku baxay cod-baahiye loogu talagalay.

Waxuu kulankani ku bilaabmay shucuur aad u saraysa waxaana durbadiiba laguda- galay qodobadii iyo ajandihii loogu talagalay kulanka.Gudoomiyaha jaaliyadda S/Ogadenia ee Toronto mudane Najiib Cumar ayaa ku bilaabay hadalo mahad-celin iyo soo dhawanba isugu jiray,kadibna waxuu Najiib Cumar aad uuga sheekeeyay hawlaha jaaliyadda u qabsoomay iyo kuwa horyaala ee ay jaaliyaddu higsanayso. Waxuu Najiib uugu bishaareeyay hawl wadeenada in sanadka foodda inagu soo haya magaalada Toronto ee dalka Canada lagu qaban doono shirkii guud ee jaaliyadaha S/Ogadeina aarintanoo aad ugu farxeen guud ahaanba hawlwadeenadii madasha fadhiyay oo muujiyay sida ay u soo dhawaynayaan in ay jaaliyadda S/Ogadenia Canada marti galiso sanadka soo socda shirka guud ee jaaliyadaha S/ogadnia.

Su’aalo iyo falan-qayn dheer kadib ayaa la soo dhaweeyay mudane gudoomiye ku xigeenka jaaliyadda S/Ogadenia ee magaalada Toronto Dr.Axmed Cumar oo aad ugu dheeraaday wanaaga laga dhaxlo midnimada iyo isku duubnaanta bushada iyo waliba sida ay qayb uga qaadato habsami u socodka hawlaha lagu taageero halganka u jeedadiisu tahay in laysaga tuuro reeryada gumaysiga Ethiopia. Dr.Axmed Cumar waxuu ka sheekeeyay tabaha gumaysiga iyo kuwa u adeega waxuuna hoos ka xariiqay in aan kacdoonka gobanimo doonka ee S/Ogadenia marnaba la hakin Karin.

Madaxa -xidhiidhka iyo xalinta xurgufaha ee uruka dhalinayara iyo ardayda Ogadenia(OYSU)faraciisa Canada mudane Xasan wali ayaa aad uuga sheekeeyay hawlaha horyaala iyo kuwa u qabsoomay waxuuna madasha ka sheegay in ay wadaan qorshe siyaasadeed oo aad u dheer oo lagu dar-dar galinayo sidii siyaasiyiinta iyo masuuliyiinta dalaka dibada loo horgayn lahaa dhibaatada joogtada ah ee Ethiopia ku hayso shacabka lagumaysto ee reer Ogadenia.Waxuu Xasan Wali ka sheekeeyay sida xukuumadda Addis Abeba u isticmaasho deeqa dalaka hodanka siiyaan Ethiopia waxuuna tusaale u soo qaatay barnaamij horay uuga baxay qaar kamid ah saxaafadda caalamiga ah.

Xidhiidhiyaha jaaliyadaha S/Ogadeina ee dalka Canada mudane Tube Qamaan ayaa si qoto dheer uuga waramay waxa u qabsoomay S/Ogadeina 27 sanadood kadib aas aaskii jwxo.waxuuna cadeeyay in xaga militariga siyaasadda iyo arimaha bulshadaba guulo lataaban karo laga gaadhay.waxuu Tube yidhi “ciidamada jwxo waxay goobaha dalgaalka ka soo hoyiyeen guulo lagu faani karo oo gumaysiga darsan loogu dhigay waxuuna tusaale u soo qaatay dagaalkii Glaalshe ee lagu soo furtay baxaabiistii QM.iyo kuwo kale.mar uu Tube ka waramayay xaga siyaasadana waxuu sheegay in halglanka S/Ogadenia gaadhay dhamaan daafaha dunida isagoo sheegay in uu halgankani ku socdo taageerada iyo isku tashiga shacabka S/Ogadenia oo diidan gumaysiga Ethiopia.

Gaba-gabadiina waxaa layska dhex saaray gudi gaar ah oo soo baadha siyaabaha ugu fiican ee loo abaabuli karo shacabka gumaysi diidka ah ee S/Ogadenia ee ku dhaqan dalka Canada.

M. Abdullahi/ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay