Tirada qaxootiga soo gaadhay Yurub ee dhulka iyo badda kasoo galay sanadkan 2015-ka, ayaa dhaafay hal milyan oo muhaajir.Tiradii ugu dambaysay, ayaa muujinaysa in afar laab ay korodhay marka la barbardhigo sanadkii tagay 2014.

Ururka caalamiga ah ee muhaajiriinta oo lasocday qulqulka dadka gaadhaya koonfurta Yurub, ayaa sheegay in tiro ka badan 80 boqolkiiba ay Giriiga ku yimaadeen dhulka. Ku dhowaad kala badh, waxay ka yimaadeen Suuriya iyadoo kala badhka kale ay Afghanistan yihiin.

Ku dhowaad 3kun iyo toddobo boqol, ayaa lagu qiyaasay ineey dhinteen iyagoo iskudayaya inay ka gudbaan biyaha Mediterranean-ka.Safarka ugu khatarsan, ayaa u dhexeeyay waqooyiga Afrika iyo Talyaaniga.

Soogalootiga tirada badan ee Yurub oo ahaa kii ugu badnaa ilaa dagaalkii labaad, ayaa ku qasbay dalalka Midowga Yurub inay jawaab mideysan u helaan balse waxay keentay kala qeybsanaan siyaasadeed.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay