Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Faransiis Bernard Cazeneuve ayaa shaaciyey in sirdoonka dalkooda uu ka warhelay koox qorshaynaysay ineey weeraro argagaxiso ka gaystaan gudaha wadanka Faransiis.
Booliiska ayaa xabsiga u taxaabay labo nin oo ku noolaa magaalada Orléans ee dalkaasi, raggan ayaa la sheegay in kooxaha ku sugan Suuriya ay xidhiidh lahaayeen, isla markaana ku jireen abaabulka weeraro ay ku qaadi lahaayeen xarumaha dawlada Faransiiska.

Sida ay boolisku sheegeen labadan nin ayaa qirtay ineey aruursadeen lacag ay doonayeen ineey ku gataan hub, isla markaana aysan wali dajin goobta ay damacsanaayeen ineey weerarka ku qaadaan, walow ay sheegeen in yoolkooda ugu wayn uu ahaa xarumaha Ciidamada iyo Booliiska.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Faransiiska ayaa sheegay ineey noqoneyso markii 10aad muddo 2 sano gudahood ah oo uu sirdoonka Faransiisku ka hortago weeraro ka dhici lahaa gudaha dalkaasi.

Dalka Faransiiska ayaa heegan sare kujira tan iyo weerarkii bishii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Paris ooy ku dhinteen 130 qof.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay