Weerar culus oo ladoonayo in ururka Dawladda Islaamiga ah (ISIS) magaalada Ramaadi ee xarunta gobolka Ambaar ayaa galay maalintiisii labaad. Ciidamada dalka Ciraaq ee sida gaarka ah u tababaran ayaa wadooyinka magaaladaasi kula dagaallamaya xooggaga ururkaasi.

Saraakiisha Militariga Ciraaq ayaa ku rajo-wayn in Ramadi ay dib u qabsan doonaan ugu dambayn dabayaaqada todobaadkan. Balse korneel Steve Warren, afhayeenka xulafada uu Maraykanka horkacayo, ayaa sheegay in dagaalka uu noqon karo mid aad u adag.

Wuxuu sheegay in qiyaastii 350 dagaalyahan oo ka tirsan ururka dawladda Islaamiga iyo tobanaan kun oo dad rayid ah ay weli ku sugan yihiin gudaha magaalada. Waxaa jira warar sheegaya in dagaalyahannada dawladda Islaamiga ay ku tala jiraan inay gabbaad ka dhigtaan dadka rayidka ah.

Ciidammada duulaanka wada ayaa u muuqda kuwo nidaamsan oo tababar wanaagsan ka helay saraakiil Mareykan ah. Balse waxaa dagaalka ka maqan maleeshiyaadka Shiicada ah ee gacanta ka gaystay qabsashada magaalada Tikrit horraantii sanadkan.

Ka qaybgalkooda duulaanka ayaa waxa uu dhalin karaa in ay cadhoodaan Sunniyiinta awoodda badan kuleh magaalada Ramaadi iyo gobolka Anbaar eey magaala madaxda u tahay.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay