Meles-Zenawi-in-parliamentHadda ka hor ayuu baarlamaanka oo la fadhiyo ayuu kula kaftamay R/wasaarihii hore ee Itobiya Meles Zanawi xisbiga Oromada ugu jira EPRDF in hadii la xoqo kaararkooda loogu tagi inay ka mid yihiin ururka OLF. Maalintaa waa lagu qoslay, hasa ahaatee maanta ayaa si dhab ah loogu eedeeyay in badan oo ka mid ah madaxda xisbiga OPDO oo qayb ka ah xisbiga EPRDF ee talada dalka gacanta ku haya, inay ka tirsan yihiin ururka Oromo Liberation Front (OLF) oo ka mid ah afarta urur ee dalka Itobiya lagaga shaabadeeyay inay yihiin argagixso (ONLF, OLF, G7 iyo Shabaab).

Arintaasi waxay muujinaysaa habkay u fikirayaan kooxda Tigreega ah ee dalka dhab ahaanta ugu taliya. Agtooda qof kasta oo diida ama ka gaabiya inuu xasuuqo shacabkiisa, hadday ku kacaan xukunka TPLF, waa ka dambiile la socda ururadaa argagixisada ah midkood. Waxaase dhaboobay inay xubnaha ka tirsan OPDO-da ee ka taliya gobolka Oromiya ka aragti dheeryihiin kana geesisan yihiin madaxda Gobolada/Qawmiyadaha kale oo u garba duuban TPLF, gaar ahaan maamulka Jigjiga ka taliya oo dhamaan dadkaan wareystay ay isku raaceen inay yihiin kuwii ugu liitay bulshada oo Cabdi iley u soo xushay inay isaga ka dambeeyaan ka dibna iska Camboolaystaan, Iskaan Bariisaystaan.

Dadka qaar ayaa ka raja qaba inuu isbadal ka dhici karo Ogadenya, oo maamulka ka jira kililka Somalida iyo Cabdi iley aanay ahayn rajabeel. Waxay ku odhanayaan; waan ognahay in Cabdi iley iyo inta ku hareereysan ay u arkaan inuu jiritaankooda ku xidhan yahay masiirka Wayaanaha ood ka dareemi qaarkood naxdin markuu qalaalse ka dhaco Itobiya ama ay xasilooni darro ka hor-timaado xukunka TPLF. Iyagoo sidaa qiraya ayay hadana ku calool adag yihiin inuu isbadal ku iman karo maamulka Cabdi iley, haddii qalaalasaha ka jira Itobiya uu sii kordho. “Miyaanay dhici karin qaar badanoo ka mid ah maamulka inay sida OPDO kaarar u qarsoon uu jiro..”, ayay kugula kaftami, taasoo ah sida ay bulshada jeclaan lahayd inay noqoto. Hasa ahaatee kooxda kasoo horjeeda fikirkoodaa ayaa durbadiiba ku dhihi; war dadkaad ka dhalateen kuwa wax qarsan kara ma aha oo hooskooda ayay ka didaan.

Sikastaba ha ahaatee, kala duwanaanshaha u dhexeeyaa labada shacab ee Oromada iyo Somalida Ogadenya waa mid laga arki karo siyaabaha ay ula falgalaan isbadalada ka dhaca Itobiya. Meesha ay Oromada ka kululaadaan kana dhiidhiyaan marka la qaato dhul beeroodkooda, waxay shacabka S.Ogadenya ka diiraan kana dhiidhiyaan marka xoriyadooda ama sharaftooda meel looga dhaco. Way adkayd in aad aragto dad Somali ah oo ka dhiidhinaya dhul laga boobay, sidoo kale waxaa adkaa inaad aragto shacabka Oromo oo ka dhiidhinaya xoriyad ka maqan. Kala duwanaanshahaa waxaa sabab u ahaa hab nololeedka labada shacab oo kala duwanaa. Waxaadse moodaa inay hadda isbadashay arintii sidaa ahayd, ka dib markii kooxda TPLF ay isku darsadeen meel kasta inay ka boobaan dhulka iyo inay duleeyaan xataa maamulada u shaqeeya ilaa uu qofka dareemo inuusan xor ku ahayn dalkiisa.

IMG_9325Oromadii isu haystay inay yihiin ama noqon karaan Itobiyaan (Xabasha), waxay dareenmeen in aanay ahayn siday ismoodayeen oo adoonsi ka qaabdaran midkii Amxaarada (Menilik – Mengisto) ay ku jiraan. Sidoo kale Somalidii islahayd nin buuraha Itobiya ka yimid soo haweysan maayo inuu qaato beerihiina iyo daaqsinadiina, waxay dareemeen inuu jiro damacaa oo waliba loo adeegsanayo wiilashoodii inay dhulka uga qaadaan. Waxaad moodaa inay isku doon fuuleen Oromadii iyo Somalidii Ogadenya oy arkaan inuu labadoodaba ku socdo adoonsi iyo dhulboob.

Tan iyo markay la wareegeen xukunka jabhada Ihaadhig/TPLF 1991kii ilaa maanta oo la marayo 2016ka, waxaa dalka Itobiya lagu maamulaa inuu qofka Tigreega ah iska sareysiiyo qawmiyadaha kale iyadoo aanu jirin qaanuun qabta qofka Tigreega markuu dhex joogo qawmiyadaha Oromada, Somalida, Amxaarada iyo kuwa kaleba. Taasi waxay keentay in dhamaan shucuubta Itobiya een ahayn Tigree ay si dhab ah u dareemaan gumaysi oo qawmiyad walba ay ka fikirto siday uga xoroobi lahayd gumaysiga ay ku jirto. Waxa kali ah ee lagu kala duwan yahay waa  wadada loo marayo si looga baxo gumaysigaa. Qawmiyadaha qaarkood oo Amxaarada ay horgal u tahay waxay aaminsan yihiin in Itobiya dhibka ka jira uu yahay maamulka Tigree oo qawmiyadaha oo wada jira laga baxo gumaysiga Tigreega, meesha ay qawmiyado ay horgal u yihiin Somalida Ogadenya iyo Oromada aaminsan yihiin in xaqqa aaya-katashiga uu noqdo asaaska federaalka Itobiya oo qawmiyadna aan lagu qasbin inay kusii jirto ama ka baxdo federaalkaa. Waxay aaminsan yihiin dad badan oo Somali iyo Oromo ah oon ka sheekaysanay arimahaa inay mucaaradka Amxaarada ee Gimbot7 ka xunyihiin Tigreega, sababtoo ah waxay mucaaradka Amxaarada u arkaan inay TPLF-tu burburiyeen Itobiya markii Qodobka 39aad ee lagu maaweelinayo shucuubta oo ka hadlaya aaya-katashiga dastuurka ay ku qoreen. Xataa maaweeladaa ayay u arkaan mucaaradka Amxaarada ee G7 inay tahay jariimad laga galay Itobiya.

Nin aqoonyahan ah oo Oromo ah oo la shaqeeyay xukunkii Amxaarada iyo kan Tigreega ayaa yidhi; “Labadan qawmiyadood way ka midaysan yihiin caqliyadda adoonsiga iyo ku dul-noolaashaha (exploitation) shucuubta Geeska frika, waxayse ku kala duwan yihiin dhaqanka taasoo sal ku leh taariikhdooda.” Markuu arkay in aanan fahmin macnaha uu ka wado dhaqanka ay taariikhdu keentay ayuu yidhi; “Amxaarada isbadalka ka dhacay Itobiya iyo horumarka ay gaadheen qawmiyadaha kale ma rumaysna lamana qabsanin, meesha Tigreega isbadalka ay sheegtaan inay iyagu horseedka u ahaayeen ay doonayaan inay dib ugu celiyaan casrigii Menilk ee dhul boobka iyo laynta shucuubta ay ahayd dhaqanka Itobiya ka socda.”

Arintu markay sidaa tahay, muxuu ku dambayn doonaa kacdoonka shacab ee ka bilowday Itobiya?

Noora Afgaab/Jigjiga.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay