War hadda soo gaadhay warqabadka ONA ayaa sheegaya in ay  4-duuliye oo ka tirsanaa ciidamada cirka ee Gumaysiga Itoobiya gaar ahaan duuliyayaasha diyaaradaha qumaatiga  u kaca ee loo yaqaano (Helicopters) ay baxsadeen.

Warkan ayaa wuxuu intaas ku daray in duuliyeyaashan  lasaaray qiimayn oo afka axmaariga loo yaqaano Gimgama, qiimayntan ayaa waxay ka dhacday xarunta  ciidamada cirka ee Itoobiya oo ku taala magaalda Dabrezait  taasoo lagu soo eedeyay duuliyeyaashan in aysan sidii la rabay u laynin ama aysan xasuuqii ay ciimada Itoobiya u gaysanayeen dadka Oromada ahaa ee kacdoonkii ka dhacay magaalada Sululta oo aysan waajibkoodii u gudanin.

Waxa lagu soo eedayay oo kale amar diido iyo ineey kamid yihiin jabhadaha hubaysan ee Gumaysiga Itoobiya la dagaalama, todobaadakan ayaa waxaa baxsaday askar u badan saraakiil oo isu dhiibay dawlada Eritrea.

Duliyayaal

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay