War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa lagu canbaareeyay rabshadihii dadka badan ay ku dhinteen ee ka dhacay xarunta dalka Jabuuti ee Jabuuti, maalintii Isniinta ahayd.

Afdhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka John Kirby ayaa warka uu soosaaray ugu baaqay Jabuuti ineey sii dayso dhamaan dadka mucaaradka ah ee arimaha siyaasadda u xiran.

“Waxaan ugu yeeydhaynaa dawlada Jabuuti iyo siyaasiyiinta inay sameeyaan wada hadal looga fogaado rabshado dhaca mustaqbalka,” ayuu yidhi Afhayeenka Arrimaha Dibadda ee Maraykanka.

Dalka Maraykanka ayaa kuleh saldhigiisa ugu ee Wayn Qaarada Afrika magaalada Jabuuti, waxaana ay xulafo layihiin Madaxwaynaha mudada dheer halkaas ka talinayay Ismaaciil Cumar Geele.

Rabshadihii ka dhacay Isniintii magaalada Jabuuti ayaa mucaaradku sheegayaan in xukuumadda Geele ay dishey 19 qof, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti ayaa dhankooda qirtay in rabashadaas lagu dilay 7 qof oo kaliya. Rabshadaha ayaa salka kuhaya damaca Madaxwaynaha Jabuuti uu ku doonayo inuu xilka isu soo sharaxo markii afaraad.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay