Madaxwaynaha Nigeria, Mohammadu Bukhaari, ayaa sheegay in ciidammadiisa ay ku dhowyihiin jabinta ururka Boko Xaraam.

Mr. Bukhaari ayaa sheegay in dagaalyahannada ururkaasi aanay hadda lahayn awood ay ugu hortagaan ciidammada Nigeria, ama ay ku bartilmaameedsadaan goobaha ay dadka ku badan yihiin. Wuxuu intaa ku daray in taagtooda ay hadda isugu soo hadhay qaraxyada ismiidaaminta ah.

Madaxwayne Bukhaari ayaa tilmaamay in Boko Xaraam laga saaray gobolada Adamawa iyo Yobe, balse ay wali ku suganyihiin qaybo kamid ah gobolka Borno.

Ururka Boko Xaraam ayaa lagu soo warramayaa in labadii bilood ee lasoo dhaafay uu fuliyay in ka badan boqol weerar, kuwaasi ooy ku dhinteen dad ka badan kun qof. Mr. Bukhaari ayaa markii la dooranayay ballanqaaday inuu ka adkaanayo Boko Xaraam dhammaadka sanadkan.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay