Raiisul Wasaaraha dalka India Narendra Modi ayaa socdaal kutagay wadanka Pakistan markii ugu horraysay tan iyo markii uu xafiiska qabtay sanadkii hore.

Narendra Modi ayaa kaga dhawaaqay booqashadan lama filaanka ah twitter-kiisa, isaga oo sheegay inuu rajaynayo ineey isku arkaan dhiggiisa dalka Pakistan, Nawaz Sharif, magaalada Lahore ee dalka Pakistan.

Mr. Modi ayaa wuxuu sidoo kale tagay dalka Afghanistan,halkaasi oo uu khudbad ka jeediyay baarlamaanka. Waa isku daygii ugu dambeeyay ee lagu doonayo in dib loogu bilaabo wada hadalkii nabadeed ee labada dal ee dariska ah oo labaduba haysta hubka niyukleerka.

Labada hoggaamiye ayaa si kooban wada hadal ugu yeeshay bishii hore shirka isbeddelka cimilada ee ka dhacay magaalada Paris ee caasimada dalka Faransiiska.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay