Wararka laga helayo dalka Nigeria ayaa sheegaya in dad ka badan boqol qof ay ku dhinteen qarax ka dhashay warshad gaaska cunnada lagu karsado oo ka dhacay magaalada Nnewi ee ka tirsan gobolka Anambra ee Koonfur Bari dalkaasi.

Ma cadda waxa dhaliyay qaraxa ka dhacay warshada, balse dad goobjoogayaal ahaa ayaa sheegay in dab wayn uu halkaasi ka kacay. Kooxaha dab-damiska iyo dadka deegaanka ayaa muddo saacado ah ku howlanaa deminta dabkaasi.

Wararka ku aadan tiradad dadka ku dhintay qaraxaasi ayaa kala duwan. Qaar kamid ah goobjoogayaasha ayaa sheegay in shilkaasi ay ku dhinteen 35 qof, halka kuwo kalena ay tirada gaarsiinayaa in ka badan boqol qof, ooy kujiraan shaqaalaha warshada iyo dad ka ag dhawaa goobtaasi.

Booliska ayaa xaqiijiyay in qaraxaasi uu dhacay, balse kama aanay hadlin tirada dadka ku waxyeeloobay. Shilkan ayaa naxdin ku abuuray dadka kunool degmadaasi oo isu diyaarinayay munaasabadda ciidda masiixiga.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay