Ururka Jaamacada Carabta ayaa markii ugu horaysay cambaareeyay ciidamada dalka Turkiga ee ku sugan Waqooyiga wadanka Ciraaq.

Xoghayaha Guud ee Jaamacada Carabta Nabil Al-Carabi ayaa ku sheegay soogalitaanka ciidamada Turkiga ee gudaha wadanka Ciraaq mid jabineysa sharuucda Caalamiga ah.

Wasiirada Arrimaha Dibada ee dalalka Jaamacada Carabta oo kulan Khamiistii shalay ku yeeshay magaalada Qaahira ayaa codkooda ku taageeray codsi ka yimid dawlada Ciraaq oo markale ugu baaqday dawlada Turkiga ineey ciidamadeeda kala baxdo dhulka Ciraaq.

Dawlada Turkiga ayaa horaantii bishan cutubyo katirsan ciidamadeeda iyo gaadiidka dagaalka u dirtay waqooyiga dalka Ciraaq, xukuumada Anqara ayaa sheegtay in ciidankooda uu tababar siinayo ciidamada maamulka Kurdida iyo jabhadaha Sunnida ah ee ka dagaalamaya duleedka magaalada Musil oo wali kujirta gacanta kooxda ISIS.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay