Wararka ka imaanaya dalka Suuriya ayaa sheegaya in xerada Qaxootiga ee Yarmuuk ay yimaadeen basas, kahor daadguraynta lafilayo ee dagaalyahaniinta mucaaradka iyo qoysaskooda kaasi oo ah heshiis ay Qaramada Midoobay ku dhexjirtay oo lagaadhay.

Saraakiil ku dhow dhow wada hadallada ayaa sheegay in basaska la filayo inay bilaabaan ineey baxaan maanta oo Sabtida ah taariikhduna tahay 26/12/2015, ayaan wali kala cadayn.

Waxaa la dareensan yahay in wali wada hadalku socdo. Jabhadaha mucaaradka ah ooy ku jiraan kooxda la baxday dawladda Islaamiga iyo Jabhad-Nusrad (Faraca Al-Qaacida ee Suuriya) waxaa la siin doonaa jid ay ka baxaan ooy ku gaaraan qaybaha kale ee dalka Suuriya.

Taa baddelkeeda Qaramada Midoobay waxay awoodi doontaa inay gudbiso gargaarka bini’aadanimo ee aadka loogu baahan yahay ooy gayn doonto xerada Yarmuuk ooy ku badanyihiin Qaxootiga Falastiiniyiinta, kuwaasi oo dhibaato ay kasoo gaadhay dagaallo kooxeeydo u dhaxeeya dhinacyo hubaysan oo iska soo horjeeda.

Heshiiska ayaa wuxuu ka saarayaa cadawga dowladda Suuriya meelaha ku xeeran caasimadda. Ugu yaraan sideed iyo toban kun oo qof ayaa la aaminsan yahay ineey ku go’doonsan yihiin.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay