War goor dhawayd nasoo gaadhay ayaa tibaaxaya in ciidanka Woyaanaha ee sida gaarka ah u carbisan ee lagu magacaabo (Agazi) ay weerar culus kawadaan Jaamacada Ambo (Ambo University) ee Gobolka Oromiya.

Xogtan ayaa sheegaysa ineey ciidanka Woyaanaha ee Agazi ay xasuuq balaadhan kawadan Jaamacadaha Ambo iyo Awaro oo labaduba ku yaala Gobolka Oromiya. Woyaanaha ayaa adeegsanaya diyaaradaha qumaatiga u kaca ee loo yaqaano Helicopters.

Warkan ayaa intaas ku daraya in magaalada Ambo ay koronto la’aan tahay wakhtigan xaadirka ah ee dagaalku uu socdo taasoo ay Woyaanuhu korontadii ka jareen magaalada si ay xasuuq waxshinimo leh uga gaystaan magaalada Ambo iyo deegaanada ku hareeraysan.

Wixii faah faahin ah ee warkan deg degga ah kusaabsan waxaan idiinku soo gudbin doonaa haduu ilaahay yiraahdo wararkaanaga dambe.

 

ONA

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay