Kacdoonkii dhawrkii todobaad ina soo dhaafay ka socday deegaamo badan oo Itoobiga guud ahaan kamid ah gaar ahaan Gobolka Oromiya ayaa marxalad cusub galay.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo kusugan Oromiya ayaa sheegaya in kacdoonkii shacabka Oromiya uu marxalad cusub galay taasoo keentay in Taliska Woyaanaha uu sii labo jibaaro dhibaatooyinkii uu shacabka kuhayay.

Wararka nasoo gaadhaya ayaa sheegaya in Gumaysigu uu bilaabay ugaadhsi lagu bar-tilmaameedsanayo siyaasiyiinta, suxufiyiinta, ardayda iyo wax-garadka shacabka, kuwaasoo uu Gumaysigu ku tuhunsanyahay ineey kaalin libaax ka qaateen kacdoonkan jiif iyo jooggaba u diiday taliska Woyaanaha.

Woyaanaha ayaa xadhig, afduub iyo baro-kin baahsan kawada deegaamo badan oo Oromiya kamid ah. Meelaha ay falalkan Woyaanuhu ka gaysteen waxaa kamid ah Jaamacada Wollega, Shashamane, Tulu, Warra Jarso District ( North Shawa).

Dhinaca kale waxaa shalay jeelka loo taxaabay suxufiyiin katirsan xisbiga mucaaridka ah ee Blue Party. Suxufiyiintan ayuu Woyaanuhu ku tuhunsan yahay ineey gacan ka gaysteen buun buuninta iyo abaabulka kacdoonka wadanka hadheeyay. Waxaa kamid ah suxufiinta la xidhay Getachew Shiferaw, Daniel Tesfaye, Ermiyas Tsegaye & Tewdros Asfaw.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay