Hogaamiyaha kooxda hubaysan ee Islamic Army ayaa lagu dilay duqayn Jimcihii ka dhacday Bariga deegaanka Guta ee duleedka caasimada Dimishiq.

Ninkan oo lagu magacaabo Zahran Alloush ayaa kamid ah hogaamiyayaasha kooxaha hubaysan ee sida wayn looga yaqaan Suuriya, wuxuuna khatar ku ahaa xukuumada Bahsaar Al-Assad ee fadhigeedu yahay caasimada Dimishiq.

Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxaya cida fulisay duqeynta lagu dilay hogaamiyahan, waxaa jira warar sheegaya in diyaaradaha Ruushka ay duqayntan fuliyeen, walow dawlada Suuriya ay sheegatay inay diyaaradaheeda duqaynta ku dileen hogaamiyahaasi iyo shan kaloo kamid ah hogaanka kooxdaasi.

Zahran Alloush ayaa ahaa wadaad Salafi ah oo la sheegay inuu xidhiidh la leeyahay kooxda Al-Nusra ee Al-Qacidada Suuriya, waxaana jira warar sheegaya inuu taageero ka heli jiray Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Kooxda Islamic Army ayaa isla shalay magacaabay hogaamiye cusub ooy u doorteen nin lagu magacaabo Abu Hammam Bouwaidani.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay