Dad cadhaysan oo mudaharaadka ka dhigay jasiirada Corsica oo ka tirsan dalka Faransiiska ayaa burbur u gaystay Masjid jasiiradaasi kuyaala, falkan ayey dawlada Faransiisku cambaaraysay.

Weerarka lagu qaaday Masjidka ayaa dhacay Jimcihii waxaana la sheegay in dad gaadhaya 600 oo kamid ah mudaharaadayaasha ay gudaha u galeen Masjidka isla markaana burbur u gaysteen qaybo kamid ah dhismaha Masjidka iyagoo gubay qaar kamid ah kutubtii Quraanka ahay.

Xiisada ka dhalatay jasiiradan oo koonfurta uga beegan dhulka Faransiiska ayaa ka bilaabatay rabshado ka dhacay xaafad ay ku badan yihiin muslimiinta oo habeenkii Khamiista lagu dhaawacay askari Booliis ah iyo sarkaal katirsan ciidamada dab-damiska.

Jimcihii dadka ka cadhaysan dhaawaca askartaasi ay bilaabeen ineey mudaharaad ku qaadaan xaafada muslimiinta dagenyihiin iyagoo ku dhawaaqayey erayo ay kamid ahaayeen (Carabta dalkeena ka baxa).

Raysalwasaaraha Faransiiska Manuel Valls ayaa cambaareeyay falkan iyo waliba rabshadihii lagu dhaawacay Askarta, dawlada Faransiiska ayaa ciidamo illaalo ah gaysay masaajidada ku yaal jasiiradaasi.

Jasiirada Corsica oo ku taal bada Mediterranean ayaa ah goobtii uu ku dhashay hogaamiyihii hore ee Napoleon, waxayna Faransiiska la wareegeen sanadkii 1768, jasiiradaasi ayey muddo dheer ka socdeen kacdoono ay dadka halkaasi degen ku doonayeen inay madax-banaani ku helaan ama ka go’aan dalka Faransiiska, waxaana hada muuqata inay kusoo korodhay jasiiradaasi Muslim naceybka.

ONA

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay