OYSU

Ururka OYSU Perth ayaa taariikhdu markay ahayd 25/12/15 isugu yimid shirkoodii billaha ahaa waxaa shirka soo xaadiray dhamaan xubnaha Ururka dhalinyarada iyo ardayda Ogaadeeniya ee ku dhaqan galbeedka wadanka Australia xaruntiisa uu shirku ka dhacay ee magaalada perth, ugu horayn shirka Ayaa ku bilaabmay furitaanka aayadaha quraanka kariimka ah, kadib waxaa lagudo galay qaybihii kale ee shirka waxaana la falanqeeyay qodobo dhawr ah oo ay kamid tahay in la xoojiyo howlaha iyo waajibaadka horyaala Ururka Ardayda iyo dhalinyarada Ogaadeeniya ,waxaa sidookale  shirka kalmado guubaabo ah ka soo jeedisay gudoomiyaha OYSU perth halganto muwaahib mahad oo dhalinyarada kula dardaarantay dardar galinta halganka qadayida ogaadeeniya lagu xoraynayo gaar ahaan qaybta kaga aadan inay ka soo dhalaalaan, dhalinyaradu waa dhiiga umadi ku faanto ku hormarto haday u hagarbaxaan dhulkooda hooyo ayay hadalkeeda kusoo gabagabaysay gudoomiyuhu, wada tashi iyo fikir iswaydaarsi badan kadib Shirka ayaa ku soo gababoobay jawi aad ufiican iyo Isfahan sareeya ujeedadiisuna tahay Guul iyo gobanimo,mintid midnimo iyo isku tashi Allahu-Akbar

ONA-Perth Australia

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay