Warar naga soo gaadhay x/dhexe ee jabhadda waddaniga xoraynta ogaadenya ayaa xaqiijiyay in maalmihii ugu danbeeyay ay dhaceen dagaalo ay iskaga horyimaaden cwxo iyo maxaysata TPLF kuwaas oo dhamaantood ay ku gacan sareeyeen cwxo sida uu nasoo gaadhsiiyay wariyaha ONA uga soo warama x/dhexe.

Dagaaladaas kuwii ugu danbeeyay waxay dhaceen

20/9/2011 kamiin loo galay kolanyo gadiid ah oo marayay waryuugle oo ka tirsan degmada dhagaxbuur waxaa cadawga lagaga gubay hal baabuur iyo wixii saaraa.

22/9/2011 dagaal ka dhacay wancarida oo ka tirsan degmada garbo waxaa cadawga lagaga dilay 5 askari 3 kalana waa lagaga dhaawacay

23/2011 dagaal qadhaadh oo ku dhexmaray cwxo iyo kuwa tigreega wancarida oo ka tirasan degmada garbo waxaa cadawga dhagta dhiiga loo daray 7askari waxaana lagaga dhaawacay 8 askari

23/9/2011 dagaal ka dhacay walaal-goo oo ka tirsan degmada dhanaan waxaa cadawga lagaga dilay 3 askar 2 kalana waa lagag dhaawacay

23/9/2011 dagaal ka dhacay gunburka cali carbeed oo ka tirsan degmada dhagaxbuur waxaa cadawga lagaga dilay 3askari waxaana lagaga dhaawacay 2 kale

Waxaa kale oo jira dagaalo isugu jira mir iyo falal kale kuwaas oo aanaan wali faafhfaahin rasmi ah aanay weli nasoo gadhin, Waxayna ka kala dhaceen Gosolalay iyo Bilicil-buur oo ka tirsan degmada dhagaxbuur, degmada Dhuxun, Dabdheere oo ka tirsan degmada Dhanaan, Tayaag oo ka tirsan degmada Godey iyo goobo kale.

Dhanka kale waxaa jira dhibaatooyin ay u gaysateen ciidamada wayaanaha dad shacab ah oo aan waxba galabsan dhibaatooyinkan oo isugu jira jidh dil ,kufsi xadhig iyo dhac hantiyeed ayaa loo gaysatay dadka kala ah

20/9/2011 degmada Dhanaan ee gobolka shabeele waxaa xadhig iyo jidh dil loogu gaysatay

Bashiir faarax xasan
Axmed guray colaad cabddi
Badal ibraahim diiray
Khaalis macalin siraad
Cawlay macalin siraad

7/9/2011 waxaa kufsi iyo jidhdil loogu gaystay degmada Dhuxun gabadha lagu magacaabo

Ardo macalin siraad oo xaaladeedu meel khatar tahay

20/9/2011 waxaa degmada Xamaro jidh dil, xadhig iyo dhac hantiyeed loogu gaystay dadka kala ah

Luul cabdi qaadir
Fardawsa cabdiraxmaan
Faadumo cabdi khaddar oo si gooni ah looga dhacay 3 neef oo lo’a

Dhibaatooyinkan waxay ka mid yihiin kuwa maalin walba si joogto ah uga dhaca dalka ogaadeenya, Wariyaha ONA ee ogaadenya waxa uu intaa ku darayaa inay jiraan xanuuno ku jira dadka ogaadenya kuwaas oo aan helin waligood wax daryeel caafimaad ah.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay