Waxaa jirta masalo laga wada dharagsanyahay oo kusaabsan guud ahaan wax loogu yeedho Itoobiya taasoo ah qaabka uu ku yimaado isbadalka dhanka xukunka dalkaasi. Hadaan si kooban isu dul,taago lama sheegin madaxwayne itoobiyaan oo si xalaal kusoo gaadhay kursiga dhiiga kasamysan ee Adis Ababa yaala. Marku salka saaro Horjooguhu kursiga aan soo xusay wuxuu marka koobaad cadow u arkayaa shacabkii iyo ciidankii dalka, ileen waaka la yidhaaho caydhiin cune calooshiisuu ka yulyul qabaa, kamana suura gasho inuu naxariis u galo oo isagaaba qaab xaaraam ah kuyimid. Taa badal,keedana waxuu bilaamayaa inuu laayo inta uu ka cabsi qabo qaar kalana xabsiyada ayuu u dhaadhiciyaa halkaasayna ku uraan.

Inta gacantiisa kusoo hadha waxuu u carbinayaa inay noqdaan bilaa naxariis, cadawga koobaadna u arkaan shacabka. Askartooda waxaa caado u ah inay dhex dabaashaan gabood falo waawayn oon la suuraysan karin malin walba, sidaa daraadeed lama arag lamana maqal askari maxkamad lasoo taagay oo ku eedaysan dambi uu ka galay ruux shacab ah. Markaan murtida ka raaco hadalka askarigu isgaaba wax walba ah, Qalinka iyo Qorigana wuu isla wataa, isaga iyo kasoo dirayna waa Dameer iyo labadiisa Dhagood.

Sida caadiga ah dawladii doonta inay wax guumaysato waxay raadsataa wixii kabaxsan xuduudeeda, balse itoobiya ayaa noqonaysa dawladda kaliya ee si toos ah u guumaysata shacabkeeda ay canshuurta ka qaadato!, sababta arrintaasi ku dhacday ayaa lagu micnayn karaa inay yihiin dad aan waxba wadaagin oo hadana col ah, noloshooduna ku dhisantahay kala aargoosi iyo Jalaafo joogta ah.

Isbadalka iyo ilbaxnimada baaxada leh ee Caalmka ayaa sahashay inay fashilanto siyaasadii qalafsanayd ee itoobiya ku dhaqmi jirtay een qaarked kor kusoo xusay. Qowmiyad waliba waxbay baratay oo way dhooftay in la guumeystana qoryo cad cad ayay ka hor geeyeen. Qowmiyada tirada iyo tayada midna aan lahayn ee kasoo duushay dhanka buuralyada qalalan ee sida kadiska ah u qabsaday Dalalka dalsanka ah ee Ogadenya iyo Oromiya ayaa waqtigoodii gabaabsi sii yahay, kadib markii la diiday waxay iyaguba diideen ee ahaa adoonsiga.

Waxaad lawada socotaan inayna raganimo ku qabsanin kooxda tigreegu qowmiyadaha kale ee waxay ka faa’iidaysteen kala daadsanaantoodii. Waxaase kale oo jirta siyaasad dibadda ka hagta waxa loogu yeedho itoobiya oo leh dano gaar ah, waxaadna moodaa inay isla qaateen labadooduba inta laysku hayn karo umadahan hala wado cadaadiska. Dhanka kale way hubaan labadooduba inayna jiri doonin dawlad itoobiya la yidhaaho oo tan ka dambeysa, waana sidaas oo in lakala dhaqaaqayo waa shaki la’aan ee halgamaagu meel uu joogaba sidaas ha iila fahmo wacyiga. Dawladaha hoosta ka taageera xataa haday ciidamo lug ah usoo diraan itoobiya bur bur kama bad,baadin karaan.

Dhanka kale Inaan la isku hayn karin qowmiyado aan is rabin, waxaa daliil u ah dawladii midowga Soveed (Soviet Union) la odhan jiray oo waliba lahayd ciidan xoog badan oo faro badan oo tayo leh ayaa markay ku daashay Umadihii ku hoos jiray hal mar faraha kala baxday, ileen waaka la yidhaaho- Duunyaa la ceshan karaa ee Dad lama ceshan karee. Waxaan u soo qaatay taariikhdaas ma u malaynaysaa halgamow in koox yar oo bilaa xikmad, bilaa aqoon iyo bilaa caqli ah ay isku sii hayn karaan magaca itoobiya? jawaabtu waa MAYA.

Isku soo duuboo ma jirto xataa hal qowmiyad oo kooxdan tigreega ah ee afduubtay Qowmiyadihii kale ay maanta kalsooni ka haystaan. Sow ma cadda markaas in laga diiday waxay iyaguba shalay diideen. Su’aashu waxay tahay wa’ayo cidda iyaga ka liidata ee adoonsi ogolaaneysa? waa majirto.

Xasuusnaada mar walba hal ku dhiga halganka ee Birta ka sameysan ee ah Mintid, Midnimo, Isku tashi, Guul iyo Allahu Akbar!

Qoraa madax banaan
Xaaji M/rashiid Aw Macalim

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay