Waxaa goor dhawayd lagu soo gabagabeeyay caasimada wadanka Sweden ee Stockholm Siminaarkii Hogaanka Warfaafinta HWF-JWXO ee dhawrkii bari ee lasoo dhaafay uga socday Hawlwadeenka Hogaanka.

Siminaarkan oo u jeedadii loo soo agaasimay ay ahayd kobcinta iyo kor u qaadista tayada iyo aqoonta hawlwadeenada kala duwan ee HWF ayaa waxaa kasoo qaybgalay Gudoonka Sare ee HWF, Masuuliin kamid ah JWXO iyo Xubno katirsan HWF.

Siminaarkan oo socday intii u dhaxaysay 24-27 December, 2015 ayaa lagu soo bandhigay cashiro iyo barnaamij aad u tayo wanaagsan oo lagu horumarinayo wax qabadka hawlwadeenada kala duwan ee HWF. Siminaarkan ayaa waxaa bixiyay khubaro aqoon dheer u leh Saxaafada iyo barnaamijta casriga ah ee saxaafada loo adeegsado. Masuuliintan ayaa waxaa kamid ahaa Halgame Cabdulahi Xusen, Halgame Uulaa iyo Halgame Axmad-Yasiin Sh Ibrahim.

Madaxdii siminaarkan ka qaybgashay ayaa iyaguna lawadaagay hawlwadeenka HWF cashiro loogu talogalay in kor loogu qaado tayada xubnaha ee ku aadan warbaahinta casriga ah. Waxaa kamid ahaa masuuliintii kaalinta wayn ka qaatay siminaarkan Halgame Riyaale Xaamud, Halgame Axmad-Yasiin Sh Ibrahim, Halgame Xasan Macalin iyo Halgame Maxamad Cali.

Xidhitaankii Sinimaarka ayuu HWF-JWXO wuxuu shahaadooyin gudoonsiiyay qaar kamid ah ardaydii cashirada ka aflaxday iyo waaxyo kamid ah waaxaha uu HWF ka kooban yahay oo howlihii loo igmaday siday ahaayeen uga soo dhalaalay dardar cusubna kuwada sida Waaxda Intenrnetka (ONA), Waaxda Idaacadaha (RX), Waaxda TV-yada (Ilays TV).

Gunaanadkii Siminaarkan ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay qaar kamid ah ardaydii ka faa’idaysatay siminaarkan oo aad ugu faraxsanayd cashirada ay ku barteen tababarkan. Waxayna codsadeen in siminaarada noocaan ah la badiyo si loo abuuro howl wadeen aqoon uleh shaqooyinka ay halganka iyo umada u hayaan.

ONA

 

IMG_1544

IMG_1547

IMG_1548

6

3

2

4

1

 

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay