Waxaa shalay ooy taariikhdu tahay 27/12/2015 lagu qabtay magaalada Copenhagen, Xarunta Jaaliyada Somalida Ogadenya ay ku leedahay wadanka Denmark siminaar balaadhan oo loo qabtay Xubnaha iyo Kaadirka Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya (JWXO) ee ku dhaqan wadanka Denmark.

Siminaarkan ayaa waxaa kasoo qaybgalay Maamulka, Xubnaha iyo Hawl-wadeenka JWXO ee ka hawlgala wadanka Denmarka. Siminaarkan oo u jeedadiisa ugu wayn ee loosoo agaasimay ay ahayd kobcinta wacyiga, aqoonta, bisaylka iyo garaadka Kaadirka JWXO.

Waxaa siminaarkan soo jeediyay Xubno kamid ah Jaaliyada Denmark & Masuuliin sar sare oo kamid ah JWXO. Lataliyaha Gudoomiyaha JWXO General Cabdulahi Mukhtar, Madaxa Abaabulka ee Jaaliyada Denmark Mudane Cabdulahi Cabdi Cabbaas iyo Gudoomiyaha Jaaliyada Denmark Mudane Cabdiraxman Shariif, ayaa siminaarkan si waafi ah usoo bandhigay.

Dhinaca kale ka qaybgaleyaasha siminaarkan ayaa masuuliintii soo jeediyay la wadaagay su’aalo iyo afkaar aad u qiimo badan oo kusaabsan qodobadii lagu soo bandhigay siminaarka. Xubnuhu waxay si diiran u soo dhaweeyeen in munaasabada noocan oo kale ah ee lagu kobcinayo aqoonta, khibrada iyo wacyiga hawlwadeenka halganka la joogteeyo.

 

ONA/Denmark

Dk4

Dk3

Dk2

Dk1

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay