Ciidanka Booliiska Chicago ee dalka Maraykanka ayaa qirtay ineey si khaldan u dileen haweenay madow oo shan caruur ah dhashay, xili ay wadeen hawlgal ay ku qabanayeen wiil 19 sano jir ah. Haweenaydan lagu magacaabo Bettie Jones ayey booliiska si khaldan u toogteen xili ay rasaas ku fureen wiil 19 sano jir ah oo la sheegay inuu u hanjabay waalidkiisa.

Askarta Booliiska ayaa sheegay in loo yeeray xili rabshad ka taagneyd guri ku yaal magaalada Chicago, halkaasi oo uu ku sugnaa wiil 19 sano jir ah oo la sheegay in madaxa looga jiray, kaasi oo garuun ku weeraray waalidkiisa, booliiska ayaa rasaas ooda uga qaaday wiilkaasi markii goobta ay gaareen, qaar kamid ah rasaasta ayaa ku dhacday haweenaydan oo ahayd 55 sano jir oo kamid ah jaarka qoyskaasi rabshada ka bilaabatay.

Booliiska Maraykanka ayaa caado ka dhigtay inay rasaas ku dhuftaan dadka madow oo ay doonayaan inay qabtaan xataa hadii aysan hubsidan, waxaana magaalada Chicago todobaadyadii lasoo dhaafay ka socday banaanbaxyo looga cabanayo gabood-falada ay geystaan ciidamada Booliiska.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay