Ururka Haweenka Somalida Ogadeniya ee UK gaar ahaan UHO-London oo shir isugu yimid ayaa dhambaal hamlayo iyo boggaadin isugu jira u diray masuuliyiinta JWXO iyo Ciidanka Jabhada wadaniga Xoreynta Ogaden. Dhambaalkan hambalyada ah oo kusoo beegmay Sanadka Cusub ee 2016, Waxaa uu u qornaa sidan hoose.
”Anagoo ku hadlayna Magaca Ururka Haweenka Somalida Ogadeniya ee Dalka UK. Waxaan Sanadka Cusub ee 2016 u diraynaa Hanbalyo iyo boggaadin Guud ahaan shacabka Somalida Ogadeniya ee u halgamaya dalkooda, dadkooda iyo diintooda sidii ay gumaysiga uga hoos bixi lahaayeen.
Waxaan si gaar ah hambalyo iyo boggaadin ugu diraynaa Masuuliyiinta Ururka JWXO oo muujiyay dadaal iyo adkeysi, aqoon iyo Aragti dheer taasoo ay  ku hoggaamiyaan shacabkooda xoriyad u dirirka ah.
Waxaan hanbalyo iyo Boggaadin u diraynaa Ciidanka Wadaniga Xoreynta Ogadeniya oo habeen iyo maalinba u taagan sidii ay u difaaci lahaayeen dhulkooda naftoodana u horey sidii heeryada gumeysiga uga qaadi lahaayeen shacabkooda. Ciidanka JWXO waa Geesiyiin Aduunka ku heysta sharaf iyo taariikh Aakhirana Maqaam sare iyo Jano ku heysta.
Waxaan ugu baaqaynaa shacabweynaha Ethiopia gaar ahaan Shucuubta Oromada inay shacabka Ogadeniya la midoobaan kana Xoreeyaan  dhulkooda  gumeysiga kana dhiidhiyaan sharaf dhaca guumeysigu ku hayo shacabka Oromada. Ummada Somalida Ogaden waxay hiil iyo taageeraba siinayaan Shacabka Oromada ee xaqooda u daggaalamaya. Ururuka Haweenka Ogadeniya ee UK waxa uu ku dhiiri galinayaa Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadeniya isbahaysiga ay la sameeeyeen Shucuubta Oromada iyo qowmiyadaha kale ee Ethiopia ee Xoriyadooda u daggaalamaya.”
Waqtigii Gumeysigu Wuu dhamaaday.
Guul iyo Gobanimo.
Ururuka Haweenka Ogadeniya ee UK
Marwo Sooc Imaan
Gudomiyaha UHO- London.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay